Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax dhibaato ah ka qabin Luis Suarez kaas oo ka xumaaday badelkii loo taaay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Malaga.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa laga saaray ciyaarta oo 7 daqiiqo ka dhiman tahay markii ay Barca dhalisay labo gool.
Suarez ayaa si aad ah uga xanaaqay go’aankii Valverde, inkastoo xitaa uu diiday inuu gacan qaado tababaraha markii uu ka tagay garoonka Camp Nou.
Isagoo la weydiiyay dhacdada ka dib ciyaarta, Valverde ayaa isku dayay inuu hoos udhigo arrintaan markii uu u sheegay suxufiyiinta: “Suarez waa hami, mana jiro qof jecel in la bedelo.
“Qof walba waxa uu doonayaa in uu noqdo weeraryahan aan la fahmi karin marwalba, wax dhibaato ah ma arko, waxa uu ahaa kulankii seddexaad ee uu ciyaaray lix maalmood, waxaana uu helayaa fursado, taas oo ah waxa ugu muhimsan weeraryahan”.
Suarez, oo aan ku jirin ciyaartoyda ugu dambeysa ee Uruguay sababo la xiriira dhaawac uu ka qabo jilibka, ayaa seddex gool ka dhaliyay sagaal kulan oo uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan.