Pierre-Emerick Aubameyang Yaa Ku Qanciyay Inuu Ku Biiro Arsenal

Ciyaaraha

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaaca ka qaaday inuu go’aansaday inuu u saxiixo Arsenal ka dib markii uu soo wacay  Henrikh Mkhitaryan isagoo ogaaday in uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo hal meel oo isku ah.

xidiga heerka caalamiga ah ee dalka Gabon ayaa la xaqiijiyay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga uu Gunners u dhaqaaqay ka dib markii Gunners ay heshiis la gaartay Borussia Dortmund oo ah 56 milyan oo ginni.

Aubameyang ayaa dib ula midoobi doona saaxiibkiisa hore isagoo kooxda waqooyiga London mar kale kula midowaya ka dib markii xiddiga reer Armenia uu  soo afjaray waayihiisa Manchester United, waxaana uuna qeyb ka ahaa hishiis is dhaafsi laba kooxood ee Alexis Sanchez.

Inta lagu jiray xilli ciyaareedka 2015-16, midkoodii ugu dambeeya ee horyaalka Jarmalka iyagoo wada jira, labada ciyaaryahan ayaa diiwaan galiyay wadar ahaan 59 gool iyo 31 caawin waqtigaa  Aubameyang ayaa kalsooni ku qaba inay mar kale ku soo laaban karaan xiligii fiicaa iyagoo ka hoos shaqeynaya tababare Arsene Wenger.

 

“Waxaan u maleynayaa in aan isku fahmi karno garoonka dhexdiisa iyo banaankeeda. Waxaan qabaa inay taasi tahay wax yar oo sahlan gudaha garoonka . “