Immisa ayay ku qaadatay Madaxwayneyaashii hore Soomaaliya magcaabista R/wasaaraha

Wararka Maanta

Imisa maalmood ayay ku qaadatay Madaxwayneyaashii hore Soomaaliya magcaabista Wasiirka koowaad ee xukumaddahooda.

Waxaan ka soo billaabayna Madaxwaynahii Shannaad ee Soomaaliya.

5. Cabdiqaasim Salaad Xassan waxaa lagu doortay dalka Jabuuti 25 Agoosto 2000 (Habeenkii dheera ee Carta) wuxuu ra’iisul wasaarahiisi koowaad u magcaabay Prof. Cali Khaliif Galayr 8/10/2000. 44 Maalmood.

6. Cabdullaahi Yuusuf Axmad Madaxwaynahii dowladda Federaalka ee ku meel gaarka ahayd waxaa lagu doortay dalka Kenya 10/10/2004, wuxuu magcaabay ra’iisul wasaarahii koowaad Prof. Cali Maxamad Geeddi 3/11/2004. 24 Maalmood.

7. Shariif Shiikh Axmad waxaa loogu doortay dalka Jabuuti madaxwaynaha DFKMG ee Soomaaliya 30/1/2009, wuxuuna ra’iisul wasaarahii koowaad ee xukummadiisa u magcaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke 13/2/2009. 14 Maalmood.

8. Xassan Shiikh Maxamuud waxaa la doortay 10/9/2012- Wuxuuna xafiiska la wareegay 16/9/2012, Ra’iisul wasaarahiisi koowaad wuxuu doortay 6/10/2012 wuxuuna xilka u magcaabay Cabdi Faarax Garaad (Saacid Shirdoon). 26 maalmood.

9. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxaa la doortay 8/2/2017, waxaana xilka lagu wareejiyay 16/2/2017 – waxaan sugnaa waa magcaabista Ra’iisul wasaaraha waddanka hoggaamin sannadaha soo socda haddii eebbe idmo.

W/D Yuusuf