Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Brussels (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa caawa la soo gabagabeeyay shirka Brussels ee Somalia Partenrship Forum, kaasoo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeybgalay wufuud ka socotay 58 Dal iyo 6 Hay’adood oo Caalami ah, Waxa uuna daba socday shirkii 5 Decmeber 2017 ka dhacay Magaalada Muqdisho, Shirkaan ayaa socday 16-17 July 2018, Waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 82 qodob.

Shirka oo wajigiisa hore uu wax ka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay.

Wajiga labaad ee shirka ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka socda Beesha Caalamka iyo wakiiladooda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka sheegay horumaradii dowladdiisa gaartay, isagoo u mahadceliyay taageerada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

War murtiyeedka ayaa ka koobnaa dhowr qodob oo mid walba si gaar ah u faah faahinayay, sida siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo la bogaadiyay horumarka dowladda ka sameysay barnaamijka SMP, kaasoo dowladda ku guuleysatay shuruudihii looga cafin lahaa deymaha.

War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu muujiyay in Beesha Caalamka ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqaha la siiyo Soomaaliya si toos ah loo soo marinayo Bankiga Dhexe, waxaana jiri doono isla xisaabtan labada dhinac ah.

Shirka Brussels ayaa marka loo eego sidii la filayay uga heer hooseeya madaxda ka qeyb gashay oo u badnaa wakiilo iyo madax qeybood ka socday dowladaha iyo ururo caalami ah.

Hadaba, Akhriso, Qodobada Ugu Muhiimsan:

  • Waxaa la soo dhoweeyay nidaamka axsaabta badan, in doorasho dhacdo 2020ka, waxaa la soo dhoweeyay oo kale heshiiska dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah tan iyo 1969kii.
  • Waxaa la soo dhoweeyay heshiiska golaha amniga ee ku saabsanaa qeybiga kheyraadka, isku dhafka ciidamada iyo in amniga dalka lagala wareego AMISOM.
  • Waxaa lagu celiyay sida caalamka u ixtitiraamayo madaxbannaanida, qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Arrimaha Siyaasadda:

  • Waxaa la soo jeediyay in sharaciga doorashada uu baarlamaanka meel-mariyo December 2018, la sii wado diiwaan gelinta axsaabta iyo in haweenka la dhiiri geliyo.
  • Lix bil gudahood waxaa lagu taliyay in wax laga qabo arrimo ay ka mid yihiin: Maqaamka golaha amniga, qeybsiga kheyraadka, cadaaladda oo ay ku jiraan dhismaha maxkamadda dastuuriga ah iyo guddiga adeegga qaranka.
  • Waxaa walaac laga muujiyay arrinta Tukaraq, iyada oo lagu taliyay in wada hadal lagu dhameeyo.

Amniga:

  • Waxaa la ammaanay wada shaqeynta dowladda federaalka ah iyo AMISOM iyo sida AMISOM uga go’antahay in ay amniga ku wareejiso Soomaalida.
  • Waxaa la ammaanay qorshaha xasilinta caasimadda, iyo sida loogu guuleystay.
  • Wasaaradda Gashaandhigga waxaa lagu ammaanay arrimo ay ka yihiin nidaamka lacag bixinta

Dhaqaalaha:

  • Dowladda Soomaaliya waxaa lagu ammaanay horumarka laga gaaray barnaamijka IMFta ee SMP, waxaa lagu taliyay in la xoojiyo isla xisaabtan.
  • Wasaaradda kaluumeysiga waxaa lagu ammaanay heshiiskii ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ku heshiiyeen ay qeybsiga kheyraadka.

Arrimaha Banii’aadnimada:

  • In kasta oo wax badan laga qabtay arrimaha banii’aadnimada hadana waxaa war murtiyeedka lagu sheegay in dadka dhibaateysay ay gaarayaan ilaa 5.4 Milyan, kuwaas oo gargaar iyo wax qabasho u baahan.

Isha: Goobjoog+Wakaaladaha