Iiraan oo qiratay in ay soo riday Diyaaradii Ukraine

Wararka Maanta

Telefishanka dawladda Iiraan, oo soo xiganaya bayaan militari, ayaa sheegay in si aan ula kac ahayn oo kamaa ah ay u toogteen diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Diyaaradaha Ukraine goor sii horeysay Arbacadii, halkaas oo ay ku dhinteen 176 qof oo saarnaa, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Bayaan la baahiyay saaka ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay khalad uu bina’aadam sameeyay. TV-ga Press wuxuu kaloo soo xiganayaa Saraakiisha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan inay leeyihiin diyaaradda ayaa ku duushay meel u dhow “xero militari oo xasaasi ah”.

Dadkii masuulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa, sida bayaan laga baahiyay telefishinka lagu sheegay.

Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiraan riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay jimcihii in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa.

Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas.

“Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay”, ayuu ra’iisul wasaaraha Canada.

Balse Iiraan ayaa xilligaasi diiday in ay diyaaradda soo dhacday ka dib markii ay gantaal ku tideen/.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama’ ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine.

Isha: BBC + Twitter