Dowlada Soomaaliya oo Sucuudiga ku eedeysay Xasuuqii loo geystay 42 Soomaali ah

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa Isbaheysiga La Dagaalamaya Xuutiyiinta iyo Dowladda Yeman ku Eedeeyay Masuuliyadda Duqeyn Lagu Laayay Qaxooti Soomaali ah.

FB_IMG_1489777282761

Mudane Hadliye ayaa Isagoo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Adis Ababa Qadka Telefoonka ugu Sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA in Dowladda Soomaaliya ay ka Xuntahay Dhibaatada loo geystay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Shalay lagu Laayay Dalka Yeman.

“Arrintaas Mas’uuliyaddeeda Waxaa Qaadaya Isbaheysiga uu ay hoggaamiso dowladda Sacuudiga ee aan Xubinta kanahay ee dagaalka kula yira Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman iyo dowladda uu Madaxweynaha u yahay Abdurabuu Hadi Al-Mansuur, Waan Baareeynaa Waana lagula Xisaabtamayaa gumaadka lagula kacay dadka Soomaaliyeed” ayuu Yiri Mudane Hadliye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay gaareyso 42 Qof, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliyeed ay tacsi u dirayaan Ehlka iyo Qoysaskii ay ka bexeen.