Sheeko Murugo leh: MAXKAMADDA EEDDO AYAA I XUKMISAY (Sawirro ).

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

MAXKAMADDA EEDDO AYAA I XUKMISAY. ( Cadaa ibrahiim ).
____________________________________________
“waad ku mahadsantahay Aqriska iyo haddaad la wadaagto Asxaabta “.
——————————————————-

Magaalada Belqaas oo ka tirsan maamul gobaleedka Dakihiliyah ee Dalka Masar waxaa ka dhacday dhacdo intii maqashay caloosha geddisay.

Cadaa ibrahim waa 7ba jir dhibbane u noqday colaad uunan garaad-keeda lahayn. wuxuu ku indho furay farxad hooyo iyo aabe wada jira . maddaama uu curadka 2dooda ahaa wuxuu nasiib u yeeshay hanashada qalbiga ladiisa waalid. marxabo iyo koollin aan dhammaan ayuu joogto uga helijaray Aabihiis Ibraahiim rashiid oo u curadkiisa ahaa.

FB_IMG_1489860962013

#Billowgii Aafada.
=============

sida nin waliba oo islaam ah Alle u banneeyay ibraahim rashiid ayaa go’ansaday inuu dhisto guri labaad. wuxuu nasiib u yeeshay guuka Raadiya Axmed oo ahayd mid kamid ah gabdhaha belqaas ugu hannaanka qurxan.
ibraahim aad ayuu ula dhacay Raadiya wuxuna siiyay farxad uunan waligii siin Ooridiisi hore.

wuxuu awood u yeellan waayay inuu isku dhaqo 2da rer … dood badan dabadeed wuxuu daaqadda kasaaray Xaaskiisii koobaad Cadaa hooyadii.

Raadiya oo ahayd xaaskii 2aad ayaa xaajigeeda oo hadda ah Asakari amar kasuga iyada fartay in wiilka yar ee cadaa lagu hayo gurigaan . odaygiina yeel amarkii oo wiilkii hoyadiis kasoo qaad.

cadaa yare wuxuu diiday inuu naag kale la noolaado inta hoyadiis ifka joogto. wuxuu iskudayay inuu ka baxsado gurigaan koodii loo dumiyay.

FB_IMG_1489860966018

Eeddadii ayaa aabihii Amar kusiiyay inuu ciqaabo cunuga si uunan u hammin baxsasho uu hoyadii ku aado. waxay sil-silado saro-joog ugala xireen jaran-jarta hoose ee dabaqa . waxay ka ilaalliyeen inuu fadhi hammiyo sidii #fircown maxaabista u salbin jiray ayey u xireen , jaanis uma siin iney xaajo u furaan .saxarada iyo kaadida wuxuu gudan jiray isagoo xiran oo taagan . cuntadana ha iska yaraatee sidaa ayey ku siin-jireen. 30maalmood ayuu kujiray xaalddaa taagnanshada ah . waxuu qarka u fuulay inuu waayo dareenka labadiisa lugood.

Eedadiis Aabihii la dhalatay ayaa maalin booqasho u timid guriga intii aynan ciddii la kulmmin ayey aragtay xaaladda saqiirkaan ku heysata jaran-jarta hoosteeda. waxay arrinkii ku kuwar-gelisay ciidanka ammanka ee belqaas iyo kooxaha war-baahinta . qof waliba oo maalintaa cadaa arkay indhihiisa illin ayaa kaddaadatay.

si deg-deg ah ayaa loola gaaray isbitaalka xaalad caafimmad oo deg-deg ahna wa lageliyay.

markii uu kasoo baxay xaladdii cusleyd ayuu cadaa kawarbixiyay sidii loo ciqaabi jiray . wuxuu sheegay in aabihiis ku sameyn jiryay wax waliba oo isllaantu farto.

wuxuu sheegay inuu saarnnaa maxkamadda isllaanta aabihiis qabo .. Aabihiisna ahaa askari fuliya Amarka isllaanta.

FB_IMG_1489860969719

ciidammada Ammanka ayaa xabsiga dhigay odaygii xayawaanka ahaa iyo isllantiisii naxariista darnneyd… haddana waxay xukun ka sugayaan maxkamadda sare ee maamulka Dakihiliyah.

( Eeddaan layaabee Arxankedu daranaa …. Cabdiraxmaan shariif baastoow ayaa horay ugu heesay ) .

#xigasho مجلة البوابه نیوز۔۔۔

W/T : Abdirahman Dhagaafe