Barlamaanka Galmudug oo soo afjaray khilaaf ka dhex jiray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulan ay shalay Cadaado ku yeesheen xildhibaanada barlamaanka Galmudug ayey ku dhameeyeen khilaaf ka dhex jiray Barlamaanka.

Guddo ka kooban 10 xildhibaan oo horey loogu saaray dhameynta khilaafkaan ayaa ku guuleystay, waxaana la isla qaatay in laga gudbo madmadowgii ku dhexjiray xildhibaanada.

Arintaan ayaa dhameysay mooshin xildhibaanada qaar ka keeneen gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal Casir.

Maalinta Beri ayaa la filayaa in ay kulan rasmi ah yeeshaan xildhibaanada, waxaana shir gudoomin doona Cali Gacal, Xildhibaanada ayaa go’aamin doonaan xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

IMG-20170324-WA0000-1 IMG-20170324-WA0001-1