Cabdullaahi Roob da’ay oo markale lagu xiray Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Afhayeenkii Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax Roob Da’ay ayaa maanta markale lagu xiray Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta danbi baarista CID ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

Cabdullaahi ayaa lagu xiray warqad ka soo baxday Qeybta Baarista Danbiyada ee Ciidanka Booliska, waxaana ku saxiixnaa G/Sare Cumar Cabdi Cilmi.

Dad goobjoog ahaa ayaa inoo xaqiijiyey in masuulkan laga qabtay Hotel u dhow KM4 Magaalada Muqdisho, ma jirto cid ka tirsan dowlad oo ka hadashay arinkaan, waxaana la sugayaa waxa kasoo baxa Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Roob da’ay ayaa laba waxaa afduub u geystay ciidan ka tirsan NISA sida uu sheegay, waxaana sidoo kale Baraha Bulshada lagu baahiyey Muuqaal Muujinaya Masuulkan oo indhaha ka xiran oo la wareysanayo.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

Tagged