Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaarey

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho guddomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaari Soomaaliya,balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.

Isha: Sonna