Al-shabaab oo Doon Rasaas ku furay iyo qasaare ka dhashay

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marko ee Caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay rasaas la dhaceen doon Kalluumeysi oo maraysay inta u dhaxeysa degaanada Jilib Marko iyo Gandarshe.

Gudoomiyihii hore ee degmada Marko Maxamed Cismaan Yariisow ayaa sheegay in doontaan ay lahaayeen Kalluumeysato Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in uu geeriyooday Naaquudihii doonta, sidoo kalena ay dhaawacmeen labo ka mid ah Kalluumeysatadii Saarnaa Doonta.

Waxaa uu sheegay in doonta ay ku dhawaatay meelo ay xeebta kaga sugan yihiin Al-Shabaab , taasoo keenay in ay xabado ku furaan.