Dil lagu fuliyey nin ka tirsanaa ururka Alshabaab

Wararka Maanta

Maxakamadda Darajada Kowaaad ee  ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin ka tirsanaa ALshabaab,kaasi oo qeyb ka ahaa qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Abuukar Shaacir Maxamed oo 41 jir ahaa kuna dhashey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku lug lahaa sahminta iyo diyaarinta qaraxyada,waxaana kamid ah qaraxyadii ka dhacay hotel Wehliye, 13 bishii March 2017 ayna ku dhinteen 10 ruux 17 kalena ay ku dhawacmeen.

Sidoo kale qarixii ka dhacay maqaayada ku taala ag agaarka wasaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha 5-April,2017 oo uu geeyey gaari Saruf ahaa oo qaraxa laga soo buuxiyay,kaasi oo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 10 kale.

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa sidoo kale ku eedeysay in uu soo sahmiyay qarixii ka dhacay Baar Itaaliaya 8-June 2017 halkaais oo ay ku geeriyoodeen 7 qof ayna ku dhaawacmeen 11 kale.

Gaashanle Sare C/llaahi Buule xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ayaa sheegay in ninkan oo ay horey maxkamadda u xukuntay.