Cabdikariin Qalbidhagax oo lagu soo dhaweeyey Hargaysa (Sawirro)

Wararka Maanta

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa maanta gaaray Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF.

Xubno ka tirsan xisbiyadda Siyaasadda  Somaliland iyo taageerayaa ONLF ayaa Qalbidhagax kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal, Qalbi dhagax ayaa Casuumaad ka helay Somaliland.

Qalbi Dhagax oo ah Sarkaal Sare ayaa dhaawaan saameyn weyn yeeshay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda ayna ku tilmaamtay Urur Argagixiso ONLF.

ONLF ayaa hadda laga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ee uu horseedka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

Hoggaamiyaha Xibiga UCID Faysal Cali Waare ayaa dhawaan sheegay in Qalbi Dhagax ay ku Casuumi doonaan Hargeysa,Maadaama lagu jirdilay Muqdisho kadib Itoobiya gacanta loo geliyay.

Somaliland, Puntland iyo gobolada Dhexe ayaa ahaa goobihii ugu badnaa ee la dhiibay saraakiisha ONLF, Waxaana muuqata in Madaxda Soomaalida ay ka amar qaataan itoobiya.