BARBAARINTA CARUURTA WAA DIYAARINTA SOOMAALIDA BERI (FAALO)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Barbaarinta caruurta waa mowduuc aad u weyn, waana wax dhinacyo kale duwan leh.sidaa darteed waxaa ugu Muhiimsan Barbaarinta jirka iyo Maskaxda, waa in ilmuhu helaan Degaan Degan, Cunta fiican, Nasasho ku filan iyo meel Colaadu ku yar tahay.

Muhiimada waa guri waliba inta ilmahu ka yar yahay 13 sano iyo meelahaas in khilaafka iyo dooda Waalidka laga qariyo ilmaha, oo haddi Hooyada iyo Aabahu doonayaan in ay doodaan waxaa Wanaagsan in Waqti kale ka dhigtaan oo ilmaha Joogin waayo ilmaha waxay ku noqoneysaa  wax Maskaxdooda  Qatar  galiya (Psychological Threat) buuqaas tirada badan ee Dhinaca Waalidka ka imaanay .

Barbarbaarinta maskaxda ama caqliga waa qeybta ugu muhiimsan  uguna baahi badan yahay ilmaha si uu ugu badbaado ama ugu guuleysto adduunka, waana qeyb ay dayacaan Waalidiin badan , ayadoo sabab ay u tahay, aqoondaro, waqti la’aan iyo ahmiyad aan la siinin

Ilmaha waa in aad ka dhistaa, luuqada afkiisa Hooyo, waxaad ugu dhisi kartaa adigoo ka saxa erayada Termonligi cusub , adigoo mar walbo uu fiirinaayo in da’da uu ku jiro ku haboon tahay , qasab ma ah in aad adiga ku fiican tahay ,waxaad u geyn kartaa Adeerkiis , Abtigiisa, Eedadiis, ama Ayeydiis oo kaaga fiican luuqada halkaas oo uu ka helayo  Sheeko Xariir ,Gabayo , iyo Suugaan badan amaba u soo kireyn kartaa qof sugaanta ku fiican haddi aad awoodo .

Halkaas ilmaha waxaa uu ka helayaa kobcin caqli, Sheeko walba dulucdeedana wey saameynaysaa caqligiisa , haddi aad Baadiyaha geyn karto sanadkii mar waa arin aad u fiican markuu soo gaaro iskuulka , waxaan aad ugu digayaa ilmaha oo la baraa Luqadaha Qalaad taasoo dhici karta in ay ka xoog badnaato luqadiisa hooyo  ee asalka u lahaa

Waa in aad ixtraamtaa asxaabtiisa yar yar  gurigana ku marti qadaa barataa Waalidkooda, isku daydaa in aad wax wada sameysaan si caruurtina Saaxiibtinimadooda ay u noqdaan kuwa hal u jeedo leh mararka qaar ah aad la soctid Goobaha ay aadaan marka ay Fasaxa yihiin

Bar waxa saxda ah iyo khaladka, adigana iska ilaali in aad hortisa ku sameysaa khaladaadka,  sidoo kale abaal marin fiican sii markuu wax saxo , markuu wax qaldana ciqaab u qalantaa da’diisa si uu u ogaada qaladkiisa , markuu soo kobcana , kalsooni sii , ka yarey kormeerka faraha badan, waayo hadi uu soo gaaro dhowr iyo Toban sano, sida aad rabtay uu noqon waayo waxaa kaa xog badiyey degaanka oo aad koontrolliweysay ama dadaalkaaga baa yaraaday, waalidka aqoonta leh wax walba wey ka war hayaan weyna ka sii baraan degaan.

Waxaad arkeysaa labo ilmo oo labadaba qurbaha ku barbaaray, midna adiga kaa Af Soomali badiya oo aad is leedahay kani ma shalay bu baadiyaha ka yimid, hadde waa nin aan waligii dhaafin London ama Ohio, mid kalena waxaad isleedahay show kani waalid Soomaali maba dhalin, waa farqiga labada waalida u dhaxeeya iyo dadaalkooda iyo waxyaabo kale oo badan oo aan ogeyn aniga.

Ilma  si fican loo barbaariyey   waxay  wax tarayaan dhammaan  bulshada  ay ku nool yihiin dhexdooda, khaas ahaan  waalidkii dhalay. Waalidka masuuliyada ka saaran barbaarinta caruurtooda waa  mid  Diini iyo Maadiba  waajib ku  ah, waxay Diinta si joogta ah  noo fareysaa  in aan , wax walboo  masuul  aan ka nahay nalagu  xisaabin doona aakhiro, haddi ilmahayaga  aan si fiican u babaarin weyno  uuna dhib  ku noqdo Bulshada waa nasiibdaro   waalidka u taal  mana jiro waalid doonaya in uu ilmahiisa noqdo mid aan guuleysan  laakin waxaa  dadku ku kale duwan yahay waxyaabo badan iyo xaaladaha haysta .

In caruur la dhalo sida  ay muhiim u tahay, si la mid ah ayey muhiim u tahay  in la barbaraariyo,  qofka  hanti kaga weyn ma jirto caruurtiisa, haddi qoys walba  caruurtooda ku barbaariyan dal jaceyl, Soomaalinimo , iyo in ay wax bartaan  waxaa Caawisey Bulshada  waxaan helayanaa jiil wanaagsn oo badalo  jiilka hadda jira oo qaranka Soomaliyeedna Meesha ka sii wado

Wasaarad Waxbarashada iyo Barbaarinta, waa in ay leedahay ujeeda cad  ah oo ku aadan Tarbiyeynta ilmaha  iyo  u diyaarintooda in ay noqdaan Muwaadiniinta  Beri   ee Soomaaliya  ay  sugayso  , waxay arintaas Wasaarad ku  sameyn kartaa in Dugsi walba maado qasab ah  ay ku jirto  oo barbarinta ilmaha ah oo ku qoran Afka Soomaaliga  si saxna  ilamha loogu ixtraamo

Wasaarada  waa in aay ku dadaashaa  in ilmo walbo soomalaiyeed uu yaqaano sugaanta soomaliyeed , dhaqanka  , wadanka soomaaliya inta uu qeybsamo , kheyraadkiisa  iyo tariiqdeena  ,  iyo sida  uu aduunka ula dhaqmi lahaa oo sawir fiican soomaaliya ugu gudbin lahaa  .

Wasaarada Waxbarashada  iyo Barbaarinta waa in ay  xakeymsaa  sameynta luuqdaha  iyo dhaqamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya, waayo waxaa maesha ka baxaya Dhaqankii Wanaagsanaa ee ay Soomaaliya lahayd sidoo kale waxaa qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa in nay Muhiim tahay in mar waliba wada shaqeyn dhex marto Macalinka iyo Waalidka si loola socdo hab Dhaqanka caruurta

 

W/Q  Mohamed Jacfar Mohamed

Youth Activist Social Worker

 (U doodaha  Xaquuqda Dhalinyarada

kana Shaqeeya Arrimaha Bulshada

E-Mail  Mohadam151@gmail.com