Deg deg:Qarax xoogan oo lagu weeraray mid kamida koontaroolada laga ilaalsho madaxtooyada soomaaliya

Wararka Maanta

Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Koontaroolka Isgoyska Sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Somalia.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu waxyeelo kala duwan uu geystay, iyadoo qiic iyo uuro oo cirka isku shareeray la arkayo, sidoo kale gawaari goobta marayay ayaa ku gubanaya.

Isgoyska Sayidka ayaa ka mid ah bar koontaroolada ugu weyn ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Somalia