Waxaa faafaahino dheeri ah kasoo baxayaan dagaal culus oo galabta bacdal casir ku dhexmaray galbeedka magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka ayaa ka cuslaa dagaaladii hore, waxaana la isku adeegsanayey madaafiic iyo qoryaha darandooriga u dhaca, waxaana xaafadaha magaalada ku dhacayey madaafiic.
Dagaalka oo ahaa mid saf balaaran ah ayaan si rasmi ah loo ogeyn cidda bilowday, waxaana dagaalka culeyskiisu ka dhacay dhulka dooxada ah ee galbeedka magaalada ka xiga.
Waxaa inta la hubo ku dhintay labada dhinac 5 ruux , halka dhaawacu ku dhow yahay 30 kale, waxaana muuqatay in labada ciidan muddo u diyaar garoobayeen dagaalka oo joogsaday maqribkii
inta badan dadkii rayidka ahaa ayaa ka barakacay magaalada.
Galkacyo ayaa todobaadkii saddexaad oo colaad ah guda gashay, waxaana dagaalkan Galkacyo ka bilowday kadib markii Puntland ay duleedka magaalada ka bilowday dhismaha Saylad xoolaha lagu kala wareejiyo.
Comments are closed.