Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas laga maqlay dhawaqa rasaas culus.
Dagaalkan oo udhaxeysa ciidamo katirsan kuwa xasilinta Muqdisho & ciidamo kale oo hubeysan ayaa lasoo sheegayaa inuu ka socdo halka loo yaqaan Haanta-dheer ee degmada DAYNIILE.
Warar dadka deegaanka laga helay ayaa sheegaya in ciidamada Xasilinta ay Weerar ku qaadeen ciidamadaas kale si ay hubka uga dhigaan laakiin kadib dagaal ayaa bilowday.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama uu bilowday xalay xili dambe, ilaa saakana waxaa ay dadku ku waabariisteen rasaas culus.
Sargaal uhadlay dowlada ayaa xaqiijiyay in ciidamada xasilinta aysan walli ku guuleysan howlgalkan ayna ka cabsi qabaan in dagaalku sii xoogeysto.
Dadkii deganaa nawaaxiga Deegaanka Haant-Dheer ee Degmada Deyniile, oo barakacayaal u badan ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga cararaan,si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta.
Dowlada ayaa dhawaan shaacisay iney bilaabi doonto howlgalkii ugu xooganaa oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho
Warkaan wixii ku soo kordha halkaan kala soco insha allah