Sergio Ramos ayaa qirtay in Real Madrid ay ku jirto ‘mid ka mid ah sanadahoodii ugu xumaa’ ka dib markii ay xalay hal dhibic ka qaadeen Levante .
Los Blancos ayaa barbaro 2-2 ah la gashay kooxda Estadi Ciutat de Valencia, iyaga oo 19 dhibcood ka hoos maray Barcelona .
Kabtanka kooxda Real Madrid Ramos ayaa ka warqaba tayada kubada cagta ee u dhaxeysa labada kooxood ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, lakiin waxa uu rajeynayaa in kooxdiisu raadineyso guushii seddexaad oo isku xigta ee Champions League xilli ciyaareedkan.
“Waan sii wadi doonaa dagaalka si aan ugu sii jirno intii suurtogal ah, Champions League iyo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waa inay isku dayaan inay soo celiyaan kooxda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta .
Madrid ayaa haatan ku guuldareysatay inay badiso sagaal kulan oo ka mid ah 20 kulan oo horyaalka La Liga ah, waxaana dhawaan laga reebay Copa del Rey wareegii quarter-finalka.