Darawal BL oo lagu dilay Muqdisho.

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Isgooyska Saybiyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Askari katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya inuu halkaasi ku dilay Nin Darawal ahaa.

Goob jogayaal ayaa sheegay in Dilka Darawalka uu yimid Kadib markii ay Wada murmeen Askariga iyo Ninka Darawalka ah,Isla markaana uu Askariga uu Xabad Madaxa kaga dhuftay Ninka Darawalka ahaa.

Lama oga sababta markii hore ay murankooda uu ku bilaawday Darawalka iyo Askariga waxaa la tilmaamay in Askariga markii uu dilka geystay inuu goobta iskaga baxsaday.

Sikastaba ha ahaate Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan baraha Gadiidka lagu hubiyo ee ku yaalla Muqdisho,waxaa la sheegay in xiliyada qaar ay dhibaatooyin kala duwan u geystaan dadka Shacabka ee aan waxba galabsan,Isla markaana Wadooyinka isticmaalaya.