4 Qodob oo loo haysto Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Wararka Maanta

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo ah Hanti dhowraha guud ee Qaranka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda mudane Muqtaar Mahad Daauud loo heesto tagrifalka Hantida Qaranka.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa tilmaamay in 4-tii April ee sannadkaan uu Gal-dacwaddeed ka dhan wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda u gudbiyey xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaas oo la xiriirrtey ku tagrifalka Hantida Qaranka.

“Masuulkaas oo uu magaciisu yahay Mudane Muqtaar Mahad Daauud ayaa sameeyey ku tagrifal aan wali wadankaan ka dhicin, isagoo ku xadgudbay shuruucda u dagsan maamulka Maaliyadda, qaasatan dakhliga wadanka usoo xarooda iyo sida loo maamulo iyo midka xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka”ayuu yiri Hanti-dhowraha guud ee Qaranka.

Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo hey’adha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.

“Xafiisku markuu baaris ku sameeyey waxaa u cadaatay iney jiraan waxyaabaha uu soo gudbiyey hanti-dhowrka Qaranku”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaanka Dr Axmed Cali Daahir.