Faafaahin Ujeedka Safarka Xaaf ku tagay Nairobi

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Axmed Ducaale Xaaf Madaxweynaha Galmudugta Dhuusamareeb ayaa safar aan la shaacin ku aaday magaalada Nairobi Caasimadda Dalka Kenya.

Xaaf ayaa shalay diyaarad ka raacay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, isagoo ka tagay saaxiibadiis. Xaaf ayaa muddooyinkan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

Ilo xog ogaal ah ayaa ceelhuur.com u xaqiijiyey in Xaaf Ducaale uu Nairobi kula kulmi doono Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, Madaxweynaha maamulada Puntland Saciid Deni, oo hadda imaaraatka ku sugan, ayaa tagi doona Nairobi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isagu maalmahan ku sugnaa Nairobi.

Dhanka kale masuuliyiintan ayaa ka arinsan doona Shirka Madaxweyne Farmaajo ku casuumay, sidoo kale waxa ay kulan la qaadan doonaan beesha caalamka, iyagoo ka dalbanaya in saamiga deeqaha caalamiga si toos ah loo siiyo maamul goboleedyada, halkii horey loo soo marin jiray Dowladda Federaalka.

Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Hirshabeelle ay qaadaceen shirkii arimaha gargaarka, iyagoo saluugsanaa sida Dowladda Dhexe ula macaamishay, Hirshabeelle ayaa ku goodisay in ay xiriirka u jaro doonaan dowladda Dhexe.