Adrien Rabiot Oo Jecel In Mar Un Uu Ka Ciyaaro Horyaalka Premier League

Ciyaaraha

adrien-rabiot-1

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Adrien Rabiot ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay in uu maalin un ka ciyaaro horyaalka Premier League.

21-sano jirkaan ayaa ku qaatay muddo gaaban Manchester City sanadkii 2008 intii uu kuguda jiray xirfadiisa ciyaareed ee yaraantiisa, xidiga reer France ayaa sheegay in uu “runtii jeclaa” waqtigiisii England.

Rabiot ayaa tan iyo markii uu uu ka mid noqday kooxda koowaad ee PSG,  ciyaaryahanka khadka dhexe, ayaa  hore loola xiriirinayay Arsenal iyo Manchester United,isagoo ka hadlay mustaqbalkiisa u dhaqaaqida  Premier League .

Rabiot ayaa uu u saftay kooxda koowaad ee PSG sanadii 2012, waxaana uu tan iyo markaa kasoo muuqday 114 kulan  kooxda heysata horyaalka Faransiiska.