Dowladda Soomaaliya oo joojisay diyaaridihii Qaadka ka keeni jiray dalka Kenya

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay si KMG ah u joojisay duulimaadyada qaadka ee ka imaan jiray Kenya laga bilaabo 6-da bisha September oo maalinta berri ku beegan

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa u sheegay in si KMG ah loo joojiyo duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya.

“Waxaan si KMG ah u joojinay duulimaadyada qaadka ee imaan jiray Soomaaliya, duruufo jira awgood, laga bilaabo 6-da bisha September”ayuu yiri Wasiir Jangali oo ka gaabsaday sababta keentay arrintan.

Mr Jangali ayaa sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan sababaha keenay in si KMG ah loo joojiyo duulimaadyada Qaadka ee imaan jiray Soomaaliya.

Mar la weydiiyay inay xiriir la leedahay joojinta Qaadka shirka Madaxeedka IGAD ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay, isagoo xusay in go’aankan uu saameynayo dhamaan magaalooyinka Soomaaliya, isla markaana cidii ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay la xiriirto mid amni, maadaama 10-ka bisha lagu wado inuu magaalada Muqdisho ka dhaco shir madaxeedka IGAD.

Sidoo kale waxaa iyana lagu wadaa in maalmaha soo socdo la joojiyo dhamaan duulimaadyada rayidka ah ee ka soo degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada Koofureed ayaa waxaa maalin kasta taga diyaarado qaad sida oo ka yimaada dalka Kenya.

 

Comments are closed.