Dagaal Culus iyo Duqeyn ka socota Magaalada Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow ka bilowday magaalada Galkacyo Dagaal culus oo ku bilowday duqeyn madaafiic, waxaana ciidamada Puntland koofurta Galkacyo ku duqeeyey Madaafiic, lamana khaasaraha ka dhashay madaafiicdaas, inkasta oo ay ku dhacayeen goobo banaanka magaalada ah, kadibna waxaa xaafada Garsoor ka socda Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland.

Dagaalka oo daqiiqaado socda ayaa u muuqda mid xooggan, waxaana maalmahaan socday diyaargarow labada dhinac ah, dadka ayaa horey uga barakacay xaafadaha dagaalku ka socdo Galbeedka Magaalada Galkacyo, waxaana Puntland maalmahaan waday dhismaha Maxjar xoolaha lagu dajiyo, taas oo ay Galmudug ka soo horjeeday.

Puntland ayaa laba maalin ka hor jiidaha dagaalka kasoo buuxiyey ciidamo farabadan, waxa ayna gaadiidka ay keeneen  ku jira hal taangi, waxaana sidoo kale Galmudug ciidamo geysay jiidaha Dagaalkan, waxaana la filayaa in goordhow Galmudug iyana Galkacyo geyso taangiyo.

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan

Comments are closed.