C/raxmaan Odawaa “Maxay u fuli waayeen balan-qaadyadii doorashada”

Wararka Maanta

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka hadlay balan-qaadyada aan la fulin ee ay sameeyaan siyaasiyiinta xilliyada lagu jiro doorashada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu uga hadlay balan-qaadkii wixii ka dambeeyay doorashadii 8 February ay sameeyeen siyaasiyiinta, isagoo tusaaleynayay su’aalooyin la weydiiyay oo ku aadan sababaha ay u fulin waayeen balan-qaadyadii doorashada iyo waxyaabaha qaldan.

Hadaba qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-

 

Balanqaadkii 8-da Febraayo

Maalmahaan waxaa aad la ii weydiiyaa ”maxay u fuli waayeen balanqaadyadii Doorashada, maxaase qaldan“.

Jawaabteydu waxa ay aheyd “wax fudud oo hal jawaab leh ma ahan”.

Su’aal 2aad ayaa la igu celiyaa oo ah qof walba markuu xilka doonayo aad ayuu u yaqaana dhibaatada Soomaliya ka jirta xalkana u hayaa, maxaa is badala markii xilka la helo ama lagu guuleysto?

Wax is badala ma jiraan ee waxaa jirta laba arimood oo aad iyo aad isaga keena qaldan:
1- waa midda musharaxiinta jeediyaan marka kursiga loo tartamayo. Waxaa la yiraahdaa (what): maxaa qaldan, maxaase la rabaa in la qabto? Labadaas qof walba oo Soomali ah si fudud ayuu u sharixi karaa. Waxaa qaldan wax walba ( siyaasadda, amaanka, dhaqaalaha, awood qaybsiga, iyo weliba xukun wadaag la’aanta). Waxaa la rabaa in intaas la xaliyo. Waa fududahay in la sheego cilada lana balan qaado xalkeeda.

2- Aan u imaano markii xilka lagu guuleysto waxa lagaa rabo ma ahan what oo ah maxaa qaldan ama maxaa la saxaa ee waxa ay su’aashu isku badalaysaa (how) ama qaabkee ayaa loo xalinayaa ama loo gaarayaa jidka la rabo in la gaaro.
Meeshaan waa meesha waysadu nooga jabto hadii aan siyaasiyiin nahay ileen shalay waxa aan sharaxeynay oo aan kusoo tartan galnay waxa ay ahaayeen (what), ee marnaba la iskama wareysan sidee ama qaabkee (how).

Hadii aan marka 8 February ku fiirino labadaas su’aal tan hore waa middi la sharaxay oo ay dadku (Xildhibaanadu) ugu codeeyeen Madaxweynaha talada haya, lakiin midda hadda sideed bilood ka dib noo muuqata waa su’aasha labaad ee ah qaabkee.
Ilaa hadda qaabkaasu kama muuqdo amaanka, siyaasadda, dhaqaalaha xiriirka dibadda iyo wadanimadii muuqatay markii xilka la raadinaayay oo aan Qalbi Dhagax la gacan galin.

Marka soo uma eka maahmaahdii Soomaliyeed ee aheyd (Balani Waa War) hadii balanqaadyadii 8 Febraayo ka horeeyay aan waxba laga heyn, walibana aan jidkooda la hayn.

Guul iyo gobonimo.