Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed ayaa dacwad looga furay Maxkamadda sare ee dalka, iyadoo loo qabtay maalinta berri oo taariikhda ku beegan 25 October inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada laga gudbiyay.
Warqad qoraal ah oo ay soo saartay Maxkamadda sare ee dalka 22-kii bishan ayay muddo ugu qabatay Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug inay Maxkamadda ku yimaadaan, kaddib markii uu dacwad ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Dacwadan oo horay loo gaarsiiyay Madaxweyne Xaaf ayuu kaga soo jawaabay in aanay Maxkamadda qaadi karin dacwad Idaariya ah, isla markaana khilaafka ka taagan Galmudug uu yahay mid dastuuri ah oo aanay awood u laheyn inay qaado Maxkamadda sare.
Warqada uu Xaaf u qoray Maxkamadda sare ayaa ku taariikheysneyd 19-ka bishan October, waxayna jawaab u aheyd dacwad si wadajir ah uga gudbiyeen Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Hase ahaatee Maxkamadda Sare ayaa soo saartay warqad kale oo ay muddo ugu qabaneyso dhageysiga dacwada, waxaana la faray inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada, ayna waajib tahay inay soo igmadaan Qareeno
Halkan hoose ka akhriso warqada muddeynta dhageysiga dacwada ee ay soo saartay Maxkamadda Sare iyo warqad uu horay uga jawaabay Xaaf dacwad looga furay Maxkamadda sare:-