XAALKA GALMUDUG SOW UMA EKA KU QABSO KU QADI MEYSIDE

Wararka Galmudug Wararka Maanta

XAALKA GALMUDUG SOW UMA EKA KU QABSO KU QADI MEYSIDE
Qormadaa waxaa rabaa in aan uga hadlo Xiisada Siyaasadeed ee haatan ka taagan maamulka Galmudug Sidaa darteed Loolanka u Dhaxeeya Madaxweynaha GalMudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Ninka Damaca uga jira Kursigaas Axmed Shariif bal aan Dib u qooraansano Taariikhdiisa ninka la yiraahdo Shariif waxa uu soo shaac baxay markii Galmudug laga maamulayey Magaalada Gaalkacayo waxaana Dhacday in Maamulkaas ay ka soo baxeen Madaxweynayaal badan waxaana Xilkii lagu qabasadey Madaxweynhii Xilkaas Maxamed Axmed Caalin , waxaana ragaas ka mid ahaa Axmed Shariif
Isku day badan oo la doonayey in lagu Heshiisiiyo Maamulkaas ayaa lagu guuldareystey hase yeeshee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Geed Dheer iyo Gaaban u Fuuley sidii loo dhameyn lahaa Murankaas waxaana uu ka dhex bilaabey Dib u heshiisiin waxana dhacdey Axmed Shariif lagu qanciyo in Xil looga baarbaaro Dowlada Dhexe waxaana laga dhigey Maareeye ku Xigeenka Dekada Magaalada Muqdisho.
3-dii May ee Sannadkii ayaa Axmed Shariif u tafaxeytey in uu loolan u galo Xilka Madaxweynaha Galmudug ka dib markii Xilkaas isaga tagey Cabdi Kariin Xuseen Guuleed markii uu ku fashilmey qaabkii uu u maamuley Doorashadii Xildhibaanada Aqalka sare iyo Golaha Shacabka waxaana Axmed Shariif looga Guuleystey Xilkii Madaxweynaha Gal Mudug kuna soo baxay Axmed Ducaale Geele Xaaf.
Axmed Ducaale Geele marka la fiiriyo Kursiga maanta uu ku fadhiyo waxay dad badan ay aaminsan yhiih in uu Dhaqaale badan uga baxay islamarkaa uu yahay nin aan si Fudud lagu dhaqaajin Karin ahna nin si weyn Siyaasada ugu soo gaamurey muddo 16 Sanno ah ayuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka
Xaaf waxaa uu damcey in 16-kaas Sanno ee Xildhibaanka ahaa in 4 Sano oo kale uu ku darsado hase yeeshee waxaa arrintaas maya yiraahdey Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana Mudane Xaaf laga soo xigtey “ Cabdikariinow Kursigey waad I duudsiisey waxaana kuu sheegayaa in adigana Kursigaada aad weyn doonto” Xaaf oo ah Siyaasi aan aan la dhayalsan Karin ayaa u tafaxeytey sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha Galmudug
Riyadaas Xaaf waa u suurta gashey waxaana loo doortey Madaxweynaha Galmudug Soomaalida Waxay tiraahdaa “ Waxaad Xoog ku hesho waxaa lagaaga qaadaa Xoog” Waxaana dhacdey in Xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen in Xilkii ka qaadeen Mudane Xaaf hase yeeshee Xaaf oo Taageero ka haysta Beeshiisa iyo Reer Cadaado ayaa Ganafka ku dhuftey Xilka qaadistaan sidaa darteed Xaaf weli waxaa hortaagan Caqabado badan waxaana looga fadhiyaa sidii uu isaga Moosi lahaa Caqabadahaas hase yeeshee waxay Naf ku soo noqotey markii uu Taageero ka heley Madaxweynahaaysha Maamulada Dalka kuwaa oo dhawaan ku shirey Magaalada Kismaayo
Axmed Shariif oo Dadk ay badankiis ay aaminsan yhiin iin uu taageero ka heysto Dowlada Federaalka ayaa hadana waxaa maalmahaan soo wajahaya Mowjado Siyaasadeed oo ugu imaanaya Taageerayaasha Madaxweyne Xaaf kuwaa oo doonaya in Xaaf u sii ahaado Madaxweynaha Maamullka Galmudug, Waxayna Xaaf Niyadiisa Kor u kacdey markii uu soo dhaweyn iyo Muxabo kala kulmey Raiisul Wasaare Khayre oo ay ku kulmeen Magaalada Jowhar oo lagu qabtey Caleemo Saarkii Madaxweynaha Hirshabeele Mudane Waare.
Siyaasiyiin ayaa igana waxay leeyihiin in Axmed Shariif uusan ogeyn in Maamulkaan uu yahay mid ay isku darsaddeen Beelaha Dega Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo arrinta aysan ahayn Galmudugtii hore “ Waqtiyadaan dambe gaar ahaan Dagaaladii Sokeeye waxaa soo baxdey Oraah la yiraahdo “Ku qabso ku Qadi meysid “ sidaa darteed Waxa Maanta ka taagan Galmudug waa Oraahdaas marka Dowlada Federaalka waxaa looga fadhiyaa sidii ay u maareyn lahayd ayna Dib u Xasuusato Dib u heshiisiintii Madaxweyne Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Waxaa dhab ah Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele ay yihiin laba maamul oo Saameyn ku yeelen kara xaaladda Siyaasadeed ee Dowlada Federaalka ayna ogaato wixii laga soo maray Dhismaha Labadaas maamul iyo sidii uu ugu mintidey Madaxweynihii hore Xasan Shiikh oo muddo laba sano ah ku qaadatey Dhismaha Labadaas Maamul marka waxaan Sugnaaba waa 28 Bishaan iyo Kulanka uu ku baaqey Madaxweyne Farmaajo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk