Dhalinyaro Xabsigoodii Dhameystey oo Waalidiintooda Codsi u Direy Dowlada Federaalka

Wararka Maanta

Iyadoo Dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin Xabsiyo ku yaala Daafaha  Dunida qaarkoodna ay soo deysey Dowladda Federaalka  ayaa Waalidiin Soomaaliyeed waxay Dowladda Federaalka ay ka Codsanayaan in  Xabsiga laga soo daayo Shan Dhalinyaro ah oo Sagaal sano soo dhameystey Xabsi ku yaala Dalka Tansaaniya gaar ahaan Magaalada Mutawara, kaasoo ugu ekaa Bishi Juun ee Sannadkaan.

“Markey dhameysteen Xabsiga ayaa waxaan loo soo wareejyey Xarun Booliis, markii ay Muddo ku sugnaayeen Saldhigaas ayaa waxaa ugu yimid Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Tansaaniya , wuxuuna u sheegey in la qaadi doono hase yeeshee Dib ugama Soo laaban waxaana mar kale Dib loogu celiyey Xabsigii  “ayey yiraahdeen Waalidiintaas  oo intaa raaciyey.

“Waxaan u tagney Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya  waxaan ka Codsaney in lanoo soo qaado Dhalinyaraadaas maadaama ay dhameyteen Xabsi Sagaal sano ah sidoo kale waxaan Wasaaradda Arrimaha Dibada u sheegney in Dowladda Tansaaniya ay shuruud nooga dhigeen in Masuul ka socda Dowlada Federaalka oo ay ku wareejiyaan  Maxaabiistaas soo diraan” waxay intaa ku dareen Waalidiintaas

“Wasaaradda Arrimaha Dibada waxaan u sheegney in Xitaa ay la baxayaan Tigidhada Diyaarada ee lagu soo qaadayo Dhalinyaraada sidaa Darteed waxaa Dowladda Faederaalka ka dalbaneynaa in ay gacan naga siiyaan  sidii  Dhilinyaraadaas dib loogu soo celin lahaa Dalkooda maadaama Dowlada Tansaaniya ay dalbaneyso Masuul Dowladeed oo ay ku wareegiyaan Dhalinyaradaas Dhameystey Xabsi Sagaal sano ah shan bilood ka hor” waxayna kala yihiin

1-Abuukar Maxamed Cali Carab  oo Hooyadii la yiraahdo Xaliimo Xuseen Cali

2-Maxamed Xasan Warsame oo Hooyadii la yiraahdo Nadiifo Maxamed Cosoble

3- Xasan Cali Nuur Cilmi oo Hooyadii la yiraahdo  Muumino Maxamuud Maxamed

4-Yoonis Cabdulaahi Warsame Faarax oo Hooyadii la yiraahdo Salaado Abshir Cabdi

5-Ismaaciil Cabdulaahi Shiikh Axmed Hooyadii la yiraahdo Xaliimo Cilmi Xasan

Sawirada waa Waraaqihii ay Xabsiga ka soo direen