Magaalada Hobyo gobolka Mudug ayaa maanta waxaa booqasho ku tagay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyey wasiirka Dekedaha Soomaaliya Marwo Maryan Aweys, Masuuliyiin ka socda dalka Qadar iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka.
Madaxdaan ayaa kormeeray dekeda Hobyo, oo uu horay u dhagax dhigay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Janaayo 2018. Madaxweyne Xaaf ayaa yiri :” Waxaan aniga iyo wefdiga isla garanay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabayo dekeda Hobyo”.