Home > Wararka Maanta > Sideed ruux oo lagu la’yahay fatahaadaha wabiga Shabeele

Sideed ruux oo lagu la’yahay fatahaadaha wabiga Shabeele

Wararka Maanta

Sideeda ruux ee la la’yahay ayaa waxaa ku jirta La Taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweyne Waare Dahabo Xasan iyo Xoghayihii Duqa magaalada Beledweyne Sharma’arke, waxaana la sheegay in intuba nolol iyo geeri aan midna lagu heyn.

Wararka ayaa sheegaya in doonta ay saarnaayeen illaa labaatan ruux, iyadoo la soo badbaadiyay 10 ruux, waxaana dadka la badbaadiyay ku jira Duqa magaalada Beledweyne Safiyo Cali iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Dadka qaar ee la la’yahay ayaa la sheegay inay geedaha ay koreen, halka qaarna ay qaadeen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu wado howsha baadigoobka dadka la’yahay, isla markaana aan weli la heyn war rasmi ah oo ku saabsan xaalada dadka la la’yahay, maadaama diyaarado dul heehaabayay goobaha fatahaada ay soo sheegeen inay arkeen dad geedaha dushiisa saarnaa oo loo maleynayo dadkii ay la rogmatay doonta.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!