Nin Soomaali ah oo lagu xiray Jarmalka

Wararka Maanta

Ciidamada la dagaalanka Argagixisadda ee dalka Jarmalka ayaa xabsiga ka dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu horay uga tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya. Waxaa lagu Magacaabaa Shaqsiga la xiray Cabdiqaadir, waxaana da’diisa lagu sheegay 20 sano jir.

Ciidamada Booliska  ayaa ku eedeeyay in uu ku lug lahaa isku day dil oo lala damacsanaa Mas’uul katirsan Dowladda Federaalka oo aanan Magaciisa iyo Darajadiisa la sheegin.

Falkaasi ayaa ka dhacay Sanadkii 2012-kii, waxaana la sheegay in uu doonaayay in uu dilo Mas’uulkaasi xilli uu kasoo baxay Masjid Laakiin uu ka badbaaday.

Hay’adda Sirdoonka ee Jarmalka ayaa Muddo sanooyin ah ku daba jirtay Cabdiqaadir, waxaana ugu dambeyntii ay ku qabteen Gobolka Hesse ee dalka Jarmalka. Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in uu kasoo hormuuqdo Maxkamad ku taalla dalkaasi.