Kooxda Daacish ayaa sheegtay inay weeraro ka geystaan gudaha Somalia, ayaa waxay Wakaalladda Wararka u faafisa ee AMAQ NEWS AGENCY soo bandhigeen Muuqaal Video ah oo muujinaya iyadoo 2 shaqaale ka tirsan Shaqaalaha Maaliyadda oo lagu dhex dilayo gudaha magaalladda Muqdisho.
Muuqaalka Video-ga waxa uu muujiyey Nin hubeysan oo la shegay inuu ka tirsan Kooxda Daacish oo dharaar cad Shaqaalahaas ku tooganaya waddo ku taalla magaalladda Muqdisho.
Dilkaan ayay kooxdu sheegatay inuu ka dhacay meel u dhow Suuq Bacaad, oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho.
Bilihi la soo dhaafay, Kooxda Daacish waxay soo bandhigtay Muuqaal muujinaya xubno ka tirsan Ciiddanka DFS oo ay ku dileen qeybo ka mid ah magaalladda Muqdisho iyo Degmadda Afgooye.
Afar ka mid ah shan dil oo bishii April 15-da ka dhacay magaalladda Muqdisho waxaa sheegatay Kooxda Daacish, balse ma jiraan caddaymo muujinaya sheegashadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Kooxda Daacish waxay sheegteen inay ugu yaraan 13 weerar ka fuliyeen gudaha dalka Somalia sannadkan 2018-ka.