Daawo:NISA oo kuguuleysatay furfurista qarax loo dhigay xildhibaan katirsan galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka qeybta Galmudug ayaa saaka furfuray qarax la dhigay irridda guri uu dagan yahay xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Galmudug.

Guriga qarax la hordhigay ayaa ku yaala xaafadda Waaberi magaalada Cadaado, waxaana xildhibaanka guriga daganaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud oo ku magac dheer Gurey Geesey.

ciidanka nabad sugid ayaana ku guuleystay furfurista qaraxaan waxayna usoo bandhigen warbaahinta

Qaraxaan ayaa loo malaynayaa in xalay la dhigay ayaa saaka arkeen dadka xaafadu, waxayna ku wargaliyeen ciidamada NISA, oo ku guuleystay inay furfuraan.

xildhibaanka oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in uu tuhmayo in qaraxaan loo soo dhigay irida guriga kadib markii xalay uu gurigiisa gudaha ugalay