Cumar Cabdirashiid R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta gaaro magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu doonayo inuu ka bilaabo ololihiisa tartanka doorashada, isagoo taageero uga raadinaya Maamulka Puntland.
Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa maanta ka socota magaalada Garowe, waxaana mas’uuliyiin iyo dadweyne soo dhoweynaya ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha, iyadoo saacadaha soo socda lagu wado inuu ka dago.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu raadinayo jago Xildhibaan, si uu ugu kaashto Tartanka Ololihiisa doorashada, maadaama uu Musharrax yahay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu la kulmi doono Salaadiintada iyo waxgaradka ku sugan Garowe, sidoo kale waxaa jiri doono kulamo kale oo qeybaha bulshada la yeelan doono, si uu ugu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed.
Mr Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, si uu u taageero Musharraxnimadiisa, waxaana uu doonayaa inuu galaan-gal ku yeesho Xildhibaanada laga soo xulayo Garowe.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Garowe ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Hague ee dalka Holland ay maalintii labaad ka socoto dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxaana shalay lagu soo hadal qaaday doodii ka socotay Maxkamadda ee Kenya soo gudbisay ee ahaa heshiiskii is afgaradka ahaa ee la saxiixay sanadkii 2009-kii, xilligaasoo uu ahaa Ra’iisul Wasaarihii dowladdii KMG ahaa.