Siyaasi C/qaadir Cosoble Cali ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Beesha Warsangeli Abgaal ee Aqalka Hoose, kaddib doorasho adag oo goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar.
Mr. Cosoble ayaa ka guuleystay musharax Muxiyadiin Xasan Jurus , Labada nin ayaa dhaqaale aad u fara badan geliyay sidii uu mid walba uu u guuleysan lahaa, iyadoo Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayay Madaxtooyada.
C/qaadir Cosoble ayaa ku badiyay 34 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 17 cod, sidaas waxaa kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay C/qaadir Cosoble oo markii labaad noqday Xildhibaan.
Comments are closed.