Ciyaaraha Degmooyinka Galmudug oo ka furmay Gaalkacyo (Sawirro)

Ciyaaraha Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciyaaraha Degmooyinka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta ka furmay garoonka ciyaaraha Cabdullaahi Ciise Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Ciyaarahan ayaa waxaa daahfuray Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow, sidoo kale waxaa goobjooga ka ahaa wasiiro, xildhibaano, Maamulka gobolka Mudug, Maamulada degmooyinka Gaalkacyo, Cadaado, Cabudwaaq, Balanbale iyo Hobyo.

Ciyaarahan ayaa noqonaya sanadkii ugu horeeyey ee la qabto sidii loo dhisay dowlad goboleedka Galmudug bartamihii 2015, Waxaana sanadkan qorshuhu ahaa in ay kasoo qeybgalaan 6 degmo oo kala ah Gaalkacyo, Cadaado, Cabudwaaq, Dusmareeb, Hobyo iyo Balanabale, Balse degmada Dusmareeb ayaanan wali soo xaadirin halka tartanka lagu qabanayo oo ah Magaalada Gaalkacyo. ciyaartii galabta ayaa lagu daahfuray kooxaha ka socday degmooyinka Balanbale iyo Gaalkacyo.

Ciyaarta oo xiiso gaar ah laheyd ayaa kusoo idlaaday barbardhac [ Gaalkacyo 2- 2 Balanbale]. Ciyaarta beri ayaa waxaa dheeli doona kooxaha ka matalaya degmooyinka Cadaado iyo Hobyo. taageerayaal farabadan ayaa garoonka ku sugnaa. Ujeedada tartankan ayaa ah isdhexgalka dhalinyarada iyo xoojinta Midnimada bulshada Galmudug.

Sidoo kale garoonka waxaa ku sugnaa Macalinka Qaranka Soomaaliya Macalinta Maxamed Cabdulle Farayare, isagoo Galmudug ka caawin doona xulista ciyaartoyda ugu wanaagsan si ay ugu dheelaan Magaca Galmudug.