Aqoonyahan Maxamed Caalim oo ku nool Dalka Filand ayaa ka hadlay Aragtidisa la xariirta Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay qalalaasaha Siyaasadeed ee Hirshabeelle waxuuna yiri.
May ahayn inay Taageerto go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga tuureen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.
Deegaanka ay matasho maamulka hirshabeelle waxaa degan 32 Qabiil iyo dhul badan oo kooxda shabaabku Haystaan abaaro iyo Dagaalo soo noqnoqda oo qabaaladaga ka dhexeeya. Markaa xaaladaa oo dhan la cabiro way adag tahay wax jira in la burburiyo.
War saxaafadeed ay dawladu soo saartay wuxuu muran galinayaa jiritaanka Dawlada Faderaalka soomaaliya ee Tabarta yar ee aan haysan wax dhaqaalo ah oo ay ku fuliso hawl galkeeda caadiga ah .
Waan wada og nahay wali lagama baskoonin dhaawacyadii Dagaalka sokeeye markaa sow siyaasad Qar iska tuura maaha in la yiraahdo.
Waa in la qabtaa doorasho Madaxweynaha muddo 30 cisho gudahood, anigu maga garan dhaqankaan fudedyku dhisan Goorta uu ka dhamaanayo siyaasada Madaxda soomaaliya hogaamisa.
Falanqeyn tayda waxaa ku soo Gaba gabeynayaa yaaqaadanaya hadii inta wax la bur buriyey wax la dhisi waayo.
Sidaan warka ku helayo Madaxweynaha Hiirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa diiday inuu la kulmo Madaxda ugu Saraysa Dawlada Faderaalka. iyagoo Raba inay ku qasbaan in uu xilka isaga tago.
Waxaa kaloo jira in kulamo xasaasi ah ay ilaa xalay usocdeen Xildhibaanadda labada aqal ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Hiirshabelle, iyo madaxweyne Cosoble,
Kulamadaa oo aad la isigu khilaafay in Go’aan isku mid ah la qaato. Arinkan Hirshabeelle waa dhaaca ku yaal wajiga hore ee Dawlada Faderaalka Mana Garanayo sida ay u sixi karto khaladka aygashay.
Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble, si fudud iskuma dhiibi doono, lamana oga tillaabadiisa xigta waana suura Gal ah in uu Baladweyne xarunka dhigto. Arinkaa ayaa u banaan.
Ceelhuur.com