Ciidankaa Jubbaland oo gacanta ku dhigay Wiil Aabihiis gawracay

Wararka Maanta

Wiil dhalinyaro ah ayaa halkaasi ku gawracay Aabihiis degaanka Buulo Guduud oo 30-KM ujira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, .

Allaha u naxariistee Aabaha la gawracay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Shariif Kalar, kaasi oo si weyn looga garanayay degaanka Buulo Guduud oo falka uu ka dhacay.

Dadka degaanka ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in shalay galab wiilka uu soo qaatay Baangad, kadibna uu Aabihiisa qoorta kaga jaray.

Saraakiisha ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland oo falkan ku baxay ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan wiilkan aabihiisa gawracay, kaasi oo hada ku xiran saldhigga Booliska magaalada Kismaayo.

Ma cadda ilaa hadda in wiilkan uu aabihiisa si ula kac ah u dilay ama uu xanuunsan yahay, balse wiilkan ayaa habeenkii guriga ka soo daahi jiray, iyada oo aabihiisa uu dhawr mar u diiday inuu albaabka guriga ka furo.

Maalmahan dambe waxaa soo baanayay dhacdopoyinka la xiriira inay is dilaan dadka ehelka ah, waxaana ugu dambeysay Axadii oo Wiil walaalkiisa ku dilay xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeynley, arrimo la xiriira dhaxaltooyo.