Hargaysa:Qoys dhamaantood ku geeriyooday guri kusoo dumay

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in afar qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen, kaddib markii gurigooda ku soo dumay.

Sida wararku sheegayaan roobab xoog leh oo ka da’ayay magaalada ayaa sababay guriga ay degenaayeen qoyskan inuu soo dumo.

Qoyskan geeriyooday ayaa kala ahaa aabbe, hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhaleen, waxaana la sheegayaa inay ka mid ahaayeen dadka danyarta ah ee ku nool magaalada.

Gurigooda oo ahaa aqal soomaali ayaa ku dhowaa guri qadiimi ahaa, kaasoo uu ku soo dumay dhismihii ku dhowaa gurigooda ee qadiimiga ah.

Ciidamada Dab damiska Somaliland ayaa meydka afarta ruux ka soo saaray guriga ku dumay oo ahaa Xaafada Bir-Jeex ee magaalada Hargeysa.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa roobab ka da’ayay magaalada Hargeysa waxaa uu saameyn ku yeeshay isu socodka xaafadaha qaarkood.