Tababarkaan oo soco doona mudo labo isbuuca waxaa ka faa’isanaya qaar ka mida howladeedaha hey’adaha garsoorka Galmuudg waxana wasaarada cadaalada Galmuudg ka caawinaya Hey’ada Sosda .
25 ruux oo ka kala yimid degmooyinka Galmuudg isla markaana isgu jiro garsoorayaal xeer ilaaliyaal iyo qaar ka mida saraakiisha saldhigyada ee denbiyada baarta ayaa waxaa maanta u furay tababarka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyadoo ay ka qeyb galeen wasiir ku xigeenka calaada Galmuudg iyo mas’uuliin kale.
Tababarka oo ay bixi doonaan xeeldheerayaal dhanka sharciga ah ayaa waxaa lagu bari doonaa ka qeyb gala yaasha cashiro la xiriira xoojinta Hey’ada Garsoorka iyo inay bulshada u cadaalad falaan.
Xiriiriyaha mashaariicda Hey’ada Sosda Cumar Maxamuud Rooble ayaa sheegay in tababarkani uusan ahyen kii ugu horeyay oo ay u qabtaan Hey’ada Gasroorka galmuudg isagoo sidoo kale tilmaamay inay sii wadi doonaan balse loo baahanyahay in ka qeyb galayaashu ka faaideystaan.
Wasiir ku xigeenka cadaalada Galmuudg Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in wasaaradu ay ku dadaaleyso tayenta garsoorka Galmudug.
Waxaa uu tilmaamay wasiir Guure in howlwadeenada hey’ada cadaadala Galmudug horay loogu qabtay tababaro badan si sare loogu qaado aqoontooda.
Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa goobta ka sheegay in ka maamul ahaan ay xoooga saarayaan tayenta hey’adaha cadaalada galmuudg iyo hagaajinta arimaha dastuurka.
Garsoorka Galmudug ayaa haysan agabkii iyo goobihii ay ku shaqeyn lahaayeen, waxaana uu u baahan yahay howl dheeraad ah, si garsoorku uga howlgalo dhammaan deegaanada Galmudug.