Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ciidamadii Huwanta ayaa dib uga soo laabtay magaalada Hobyo, oo ay Shalay galab gaareen, ciidamadan oo watay gaadiid farabadan ayaa maanta duhurkii dib uga ruqaansaday Hobyo.
Ciidamadan oo saaka gudaha u galay magaalada Hobyo ayaa booqday dekeda iyo garoonka diyaarada Hobyo.
Ciidamadan ayaa ku baxay wadada aada magaalada Galkacyo, oo markii hore ay ka yimaadeen, waxaana warar is khilaafsan kasoo baxayaan sabab dib u laabaashada ciidamadan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay isku khilaafeen duulaanka degmada Xarardheere, sidoo kale warar ayaa sheegaya in arintaan aheyd mashruuc ay dhaqaale ku qaateen taliyayaasha NISA iyo Daraawiishta, si Ajnabi loo tuso dhulka Alshabaab ku sugan yihiin, ee aysan aheyn xoreynta xarardheere.