Koox Xariir La Leh Al-shabaab Oo Hanjabaad Ku Xirtay Safaaraddii Mareykanka Ee Congo.

Wararka Maanta

Safaaradda Mareykanka eek u taalla Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa xiran muddo todobaad ah kaddib markii ay hanjabaad uga timid koox la baxday ADF.

Wasiirka arrimaha dibadda DRC Leonard She Okitundu, ayaa sheegay in hanjabaad ay heleen ay tahay mid sax ah islamarkaana loo qaatay si dhab ah,taas oo sababtay in la xiro safaaradda lana fasaxo shaqaalaha.

Waxaa uu kulan la qaatay kaaliye ku xigeenka  wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Elizabeth Fitzsimmons,waxaana ay si wadajir ah u ballan qaadeen in ay uga hortagayaan qatarta soo wajahday.

Kooxda ADF ayey Dowladaha Congo iyo Uganda ku eedeeyeen in ay xiriir toos ah la leedahay Al-shabab oo ka dagaallanka Kenya iyo Soomaaliya.

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobey oo baaris ku sameeyay xiriirkaas ayaa sheegay in muddo dheer ay ku qaadatay xiriirka ADF iyo Al-shabab.

Laakiin Hay’ad cilmi baariseed oo ka dhisan Congo ayaa xaqiijisay in xiriir wanaasgan uu ka dhaxeyo Daacish iyo ADF, sidoo kalena ay xiriir la leedahay Ururro ka dagaallanak Tanzania iyo geeska Afrika intiisa kale.

Mac-hadka cilmi baarista ee Bridgeway Foundation, ayaa xaqiijiyay in ADF ay ciidamo ajannabi ah u dagaallamaan kuwaas oo ka yimid Afrika iyo meelo kale baxsan.