Xaflada Qalinjabinta Ardayda Dugsiga Sare Hayaan-Cadaado (Sawirro)

Xaflad si weyn loo soo agaasimaay oo ay ku qalinjabinayaa 39 arday oo dhameystay Waxbarashada Dugsiga Sare Hayaan Cadaado iyo 17 Arday oo dhameeyey koorso caafimaad ayaa xalay lagu qabtay Hotel Central Magalaada Cadaado. Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey, Qurbojoog, Maamulka Degmada iyo marti sharaf kale. Maamulaha […]

Continue Reading

Mahad Cilmi oo loo magacaabay gudoomiyaha Degmada Waaberi

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Waxaa xilkii laga qaaday Gudoomiyihii degmada Waabari Roodo Cabdullaahi Colaad. Sidoo kale waxaa Xilka Gudoomiyaha degmada Waabari loo Magacaabay Mahad Cilmi oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug. Mahad Cilmi ayaa kasoo jeedda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo uu kasoo galay Baarlamaanka maamulka Galmudug. Xilka […]

Continue Reading

Muxuu ka dhigan yahay Isfahamka Madaxda Galmudug ku gaareen Muqdisho?

Madaxda Galmudug ayaa sheegay in isfaham ku gaareen Magaalada Muqdisho, Waana arin rajo galisay shacabka Galmudug, Madaxweyne Farmaajo ayaa garwadeen ka ahaa dadaalada lagu heshiisiinaayo Madaxda Galmudug. Ma jirin Qodobo la shaaciyey in lagu heshiiyey iyo Sidoo kale Ma jirin habraac lagu hagayo fulinta oo la soo bandhigay, arintaas ayaa dadka siyaasadda u dhuundaloola shaki […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey isfahamka Madaxda Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray. Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa […]

Continue Reading

Daawo Video: Tuulooyinkii ay Alshabaab gubeen Koofurta Mudug

Halkaan ka daawo Muuqaal muujinaya Tuulooyinkii ay dhawaan Alshabaab gubeen Koofurta Gobolka Mudug, Alshabaab ayaa gubay Tuulooyinka Waable, Bilshan iyo Gabdhaale, Sidoo kale Muuqaalka ayaa muujinaya Baraagaha oo ay Alshabaab ku gureen qashin iyo raashin si aan dib dambe loogu isticmaalin biyaha. Ugu yaraan 2500 Qoys ayaa ka barakacday Ceelhuur, Qosoltire, Waable, Gabdhaale, Bilsan, Xinbarwaaqo […]

Continue Reading

Dhageyso: Alshabaab oo sheegay in ay joojiyeen waddo isku xiraysa itoobiya iyo Hobyo

AlShabaab ayaa waxa ay sheegeen inay ka hortagayaan qorshaha dowladda Itoobiya ay ku maalgashaneyso Afar Dekadood oo ka mid ah kuwa ku yaalla gudaha Soomaaliya, bacdamaa ay tilmaameen in qorshahan uu yahay mid fog oo muddo laga soo shaqeynayay. Masuul ka tirsan Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Mahad Warsame (Mahad Kartee) ayaa wuxuu sheegay haddii […]

Continue Reading

Alshabaab oo dib uga laabtay deegaanadii ay qabsadeen Koofurta Mudug

Ciidanka Alshabaab oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaano ka tirsan koofurta gobolka Mudug ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanka Caad oo ay horey fadhiisin ugu ahaa. Alshabaab ayaa dhibaato badan ka geystay tuulooyinka Waable, Bilsan iyo Baraag Farey, iyagoo gubay guryihii, beerihii, iyo Bekadihii biyaha. Waxaana dadkii ku laabtay deeganadaas galabtay ay […]

Continue Reading

Xogta Deegaanadii ay Alshabaab qabsadeen Koofurta gobolka Mudug

Ururka Alshabaab oo ciidankoodu shalay galab isku fidiyey Tuulooyinka Baraag Farey iyo Waable ee koofurta gobolka Mudug, ayaa wararka halkaas saaka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in wali ku sugan yihiin deegaanadii ay qabsadeen. Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay gubayaan beeraha, aqalada iyo hantida ma guurtada ah ee ay halkaas ugu tageen. Waxaana […]

Continue Reading

Alshabaab oo galabta isku fidiyey deegaano horleh koofurta Mudug

Waxaa maalintii saddexaad dagaal dhexmaray ciidanka deegaanka iyo ciidanka Alshabaab, dagaalka ayaa maanta dib uga qarxay deegaanka Baraag farey oo 20 km u jirta Magaalada Ceelhuur koofurta Gobolka Mudug. Ciidanka Alshabaab abaara duhurkii weerar ku ekeeyey ciidanka deegaanka oo halkaas fadhiisan ku lahaa, Waxaa dagaal saacad socday alshabaab kula wareegeen gacan ku heynta Tuulada Baraag […]

Continue Reading