Halkee lagu hayaa Cabdullaahi Xaashi Roob Da’ay?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Siyaasi Cabdullaahi Xaashi Faarax Roob Da’ay oo muddo 5 beri ah u xiran Dowladda Federaalka ayaa ilo xog-ogaal ah waxa ay inoo xaqiijiyeen in hadda uu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe.

Cabdullaahi ayaa 4 Bishaan Luulyo 2018 lagu xiray xarunta CID Booliska Soomaaliya, Waxaana la sheegay in shalay loo gudbiyey Xabsiga dhexe, Cabdullaahi ayaa horey u sheegay in Ciidanka Dowladda gaar ahaan ciidanka NISA ay dhibaato u geysteen, isagoo ka hadlay saxaafadda.

Dowladda Federaalka ayaan wali war cad ka soo saarin xariga Muwaadinkan, Waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka ay ku lug leeyihiin xabsiga lagu sii haayo Roob da’ay. Sidoo kale Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa Muwaadinkaan ku qasbaya inuu ka laabto hadalkii uu saxaafadda ka sheegay.

Madaxda Galmudug iyo Siyaasiyiin ka soojeeda Galmudug ayaanan wali ka hadlin arintaan, marka laga reebo siyaasiyiin baraha bulshada qoraalo kooban soo dhigay oo ay uga hadlayaan tacdiga loo geystay Roob da’ay.

Dhanka Kale Dowladda Federaalka ah ayaa qaaday olole lagu ceebeynaayo Cabdullaahi Xaashi, iyagoo ciidanka Baraha bulshada ee Dowladda ay si isdabajoog ah u gafeen masuulkaan. iyagoo maad iyo qosol ka dhigtay dhibaatada loo geystay Roob da’ay.

Madaxda hadda talada dalka haya ayaa lagu sheegaa rag aan dulqaad u laheyn hadalada Mucaaradka, iyagoo isku daya in ay dhibaato u geystaan cid kasta oo fikirkooda khilaafa, waxaana la xasuustaa tacadigii lagula kacay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

 

Tagged