Carlo Ancelotti Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Premier League

Ciyaaraha

Carlo Ancelotti ayaa qaban doona dalab shaqo ah hadii uu ka tago kooxda Bayern Munich xagaaga soo aadan, sida laga soo xigtay warbixin.

58 jirkaan ayaa hogaanka u haya horyaalka England ee FA Cup iyo FA Cup labadii sanno ee uu joogay Chelsea, waxaana haatan cadaadis ku haya Allianz Arena.

Bilowga xun ee xilli ciyaareedka horyaalka Bundesliga waxa loo arkaa shaqada macalinka Talyaaniga inay su’aal ka taagantahay, iyadoo shaki la ganinaayo in Bayern uu seddex sanno sii hayn karo.

Ancelotti ayaa mas’uul ka ahaa kooxda Bavarian tan iyo markii uu bedelay Pep Guardiola sannadkii 2016, isagoo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay u ciyaaray Bundesliga, laakiin waxa uu hoos u dhacay uu ku yimid wax qabadkiisa Champions League iyo German Cup.

ESPN ayaa sheegtay, inkasta oo uu xiriir adag la leeyahay Horyaalka Premier League, tababaraha qibrada leh wuxuu doonayaa inuu ku laabto kubadda cagta England kahor inta uusan ka fariisan.

Hoffenheim ayaa 2-0 ku gaareen Bayern isbuucii hore, waxaana iminka hogaanka horyaalka haya kooxda Dortmund.

W/Q Hafsa haji