Cali Khaliif oo loo qabtay inuu 12 saacadood uga baxo Buuhoodle

Wararka Maanta

Galeydh_660

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu amray inuu muddo 12 saacadood uga baxo degmada Buuhoodle, kadib markii lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Somaliland.

Taliyaha Booliska degmada Buuhoodle C/fataax Gees-diid ayaa ku wargeliyay Isimada iyo shacabka Buuhoodle inay sida ugu dhaqsiyaha badan Cali Khaliif uga saaraan Buuhoodle, hadii kale wixii dhaca ay mas’uul ka yihiin.

“Dhamaan shacabweynaha reer Buuhoodle iyo Isimada waxaan u sheegeynaa in Cali Khaliif iyo Siyaasada taagta daran ee hada fashilantay uu wado hadii 12 saacadood gudahood kaga kaxeyn Buuhoodle wallaahi wax ka bedelan baa arkeysaan, wixii halkaas ka yimaada idinka ayaa mas’uul ka ah”ayuu yiri Taliyaha Booliska Buuhoodle.

Waxaa uu ku eedeeyay Cali Khaliif inuu saaxib dhow ah yihiin Madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu hada u socdo sida uu yiri.

“Cali Khaliif wuxuu cadeeyay in Somaliland saaxib yihiin in xiriir u socday, in Siilaanyo ay saaxib yihiin, maxaa reer Buuhoodle ku iibsadeen xasuuqii, Buuhoodle waxaa nala leh nin Dhulbahante xalaal ah”ayuu yiri Taliyaha oo muujiyay sida uu uga soo horjeedo wada hadalka u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa wareysi uu siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in wada hadalo u socdaan maamulkiisa iyo Maamulka Somaliland, kaasoo looga hadlayo sidii nabad lagu wada noolaan lahaayeen dadka degan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Gobolada Sool iyo Sanaag ee Maamulka Khaatumo uu sheeganayo inuu ka arrimiyo ayaa waxaa isku heysta Maamulada Puntland iyo Somaliland oo horay ugu dagaalamay deegaanada qaar.

Xigasho: Jowharnews

Comments are closed.