Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi C/laahi, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.
Cabdi Xaashi C/laahi oo la tartamayay Mustafe Maxamed Qodax, xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland ayaa helay 43, halka Mustaf uu helay 9 cod.
Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ku guuleystay Cabdi Xaashi C/laahi oo helay 43 cod, halka Mustafe oo la tartamayay uu helay 9 cod.
Sidoo kale hada ayaa la guda galayaa Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka.