Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada kismaayo iyo digniino loo diray mucaaradka

Wararka Maanta

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid degan, kaddib markii shalay iska hor imaad kooban uu dhex maray Ciidamada amniga Jubbaland iyo ciidan taabacsan C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa Golaha Is bedel doonka Jubbaland, horayna taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Ammaanka magaalada ayaa xalay si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada ay waddooyinka qaar ku hubinayeen gaadiidka, iyadoo xaalada magaalada ay aheyd mid caadi ah oo isu socodka iyo ganacsiga aanay wax saameyn ku yeelan isku dhacii shalay.

Iska hor imaadkii shalay ayaa ka dambeeyay markii ciidan taabacsan C/naasir seeraar ay isku dayeen inay ka gudbaan waddo ay xireen Ciidamada amniga oo ku guda jiray sugida ammaanka magaalada, xilli uu booqasho ku joogay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay dhabarka ka jebiyeen qorshe lagu khal-khal gelinayay amniga magaalada Kismaayo, isla markaana ay ka dambeysay dowladda Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa digniin u diray C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig, isagoo sheegay inuu dulqaadka ka dhamaaday, wixii hadda ka dambeeya aanay waxba sugi doonin, isla markaana muddo lix bilood ay u adkeysanayeen, waxaa uu xusay in aanay aqbali doonin qas iyo fowdo laga abuuro magaalada.

C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar oo labadaba ka mid ah Golaha is bedel doonka Jubbaland ayaa labadooda waxay si kala gaar gaar ah taageerayaashooda ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay qaadaceen doorashadii Axmed Madoobe.