C/qaasim Salaad “Madaxweyne hore inuu sidaa u hadlo ma haboona, haddii dowladda qalad gasho…”

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay hadalkii maalmo ka hor ka soo yeeray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo xusay in laga haboonaa in ka soo yeero hanjabaad ka dhan ah dowladda Federaalka.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa wareysi uu siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay inuu rajeynayo in gacmaha la si qabsado oo aan la iska hor imaan, isagoo ku baaqay in dalka wax loo taro, balse aan laga shaqeyn in dalka la burburiyo.

“Madaxweyne hore oo xilka ka degay inuu sidaa u hadlo ma haboona oo u dhaarto dowladda waxaas ku sameynayaa yiraahdo, haddii dowladda qalad gasho Baarlamaan ayaa jooga, iyaga laga rabaa inay la xisaabtamaan”ayuu yiri C/qaasir Salaad Xasan.

C/qaasim ayaa sheegay in loo baahan yahay in cid kasta oo la doorto lala shaqeeyo waqtiga ay joogeyso, gacan la siiyo, isla markaana wixii qalad ay gashana loo sheego, hala la taliyo ayuu yiri C/qaasim.

Hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ee uu uga dhaartay dowladda Federaalka, kaddib markii lagu xanibay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan ay dadka uga hadleen, iyadoo war ka soo baxay dowladda Federaalka loogu baaqay Shariifka inuu sharciga ilaaliyo.