Buugga “U HIILI UBADKAAGA” oo Galkacyo lagu soo bandhigay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Buugga “U HIILI UBADKAAGA” ee uu qoray Faarax Maxamuud Xiirane (Faarax Lamaane) ayaa xalay lagu soo bandhigay Hotel Embassy magaalada Galkacyo, Waxaana munaasabadda bandhiga kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Galkacyo Waa Magaaladii Saddexaad ee ka tirsan Galmudug ee lagu soo bandhigo buugaan, horey waxaa bandhigyo nuucaan ah lagu qabtay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado. Buuggaan ayaa ka hadlaya habka barbaarinta ubadka, iyo xiriirka ka dhaxeeya waalidka iyo ilmihiisa. sidoo kale waxa uu ka hadlayaa xulashada lamaanaha guurka.

Qoraaga oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in buugaan muhiim u yahay qeyb kasta oo bulshada ah, isagoo intaa ku daray in buugaan xambaarsan yahay macluumaad farabadan.